ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT
menuالرئيسية

Wasiirka amniga Soomaaliya oo loogu baaqay inuu is casilo

الأحد 14/أبريل/2019 - 11:34 ص
Wasiirka amniga Soomaaliya oo loogu baaqay inuu is casilo
Mahad Mohamed Ali‏
 

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa u muuqda mid ku fashilmay masuuliyadii loo igmaday, waxaana inta uu xilkan hayay Muqdisho ka dhacay qaraxyadii ugu qasaaraha badnaa iyo dilal badan.

Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Wasiirka Amniga gudaha uusan u madax banaaneen shaqadiisa, waxa uuna ugu baaqay in uu is casilo.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Maxamed Abuukar Islow uu ku magacaaban yahay Wasaarada Amniga kaliya balse aysan jirin hal taliye oo ka amar qaata Wasiirka, waxa uuna sheegay Xildhibaanka in taliyaasha ka amar qaataan Ra’isul Wasaare Kheyre.

Xildhibaanka ayaa carabka ku adkeeyay in Wasiirka Amniga gudaha uu yahay magac u yaal aysan jirin cid amarkiisa ku shaqeysa, waxa uuna xusay in loo baahan yahay in la helo Wasiir amni oo shaqadiisa u madax banaan.


تعليقات Facebook تعليقات اليمن العربي
هل ينجح الجنرال باتريك كاميرت في مهمته باليمن؟
كأس أمم إفريقيا
تونس
-
x
21:00
-
نيجيريا