menuالرئيسية

MD Farmaajo oo magacaabay Garsoorayaasha Maxkamadda sare ee dalka

الخميس 09/أغسطس/2018 - 05:48 م
The Pulpit Rock
Farrmaajo
 
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farrmaajo ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku magacaabay Garsooreyaasha Maxkmadda Sare ee dalka, keddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah:
Garyaqaan Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.
– Garyaqaan Maxamed Cumar Axmed.
– Garyaqaan Cabdalle Macalin Maxamed.
– Garyaqaan Xaydar Barqash Abukor.
– Garyaqaan Axmed Cali Muuse.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha ayaa ku qeyb ka ah ballanqaadkiisii hore ee ku saabsanaa in uu dib u habayn ku sameyn doono nidaamka garsoorka dalka oo kamid ah qorsheyaasha ugu muhiimsan ee dowladda horyaalla.

المزيد عن: Madaxweynaha Soomaaliya Farrmaajo
تعليقات Facebook تعليقات الموقع
استطلاع الرأي ما تقييمك لدور الإمارات الإنساني في اليمن؟
ads
اليمن العربي على فيسبوك