menuالرئيسية

War-Murtiyeed laga soo saaray Shirka Madaxda maamul goboleedyada

الأربعاء 16/مايو/2018 - 04:24 م
The Pulpit Rock
 

Waxa goor aan fogeyn soo idlaaday Shirkii maalmahan magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed uga socday Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira

War-Murtiyeed ay soo saareen Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa Walaac looga muujiyay dagaalka kasoo cusboonaaday Deegaanka Tukaraq ee u dhaxeeya Maamulada Somaliland iyo Puntland kaas oo ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan oo isugu jira naf iyo maal.

Waxaa sidoo kale kamid ah War-murtiyeedka kasoo baxay shirka Baydhabo in lagu dhaliilay dowlada Federaalka Soomaaliya oo ay ku sheegeen fulin la’aanta Qorshihii Amniga.

War Murtiyeedka ayaa sidoo kale Walaac looga muujiyay Xiriirka xumaaday ee u dhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dawladda isku tagga Imaaraadka Carabta, taas oo ay sheegeen iney dhinac ka noqotay dagaalka u dhaxeeya Khaliijka carabta


تعليقات Facebook تعليقات الموقع
استطلاع الرأي ما تقييمك لدور الإمارات الإنساني في اليمن؟
ads
اليمن العربي على فيسبوك