menuالرئيسية

Xukuumadda Somalia oo Mamnuucday in dalka la keeno walxaha hubka shabaha ee caruurta ku ciyaaraan

الأربعاء 13/يونيو/2018 - 04:32 م
The Pulpit Rock
arab yaman
 

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Fidraalka ah ee Soomaaliya ayaa mamnuucday in dalka la keeno qaar kamid ah alaabaha caruurta ku ciyaaraan xiliyada ciida gaar ahaan bistooladaha, qoryaha, Bambooyinka iyo baaruuda .

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo Digreetadan ku saxiixan ayaa ku war galiyay Ganacsatada Soomaaliyeed waxii xiligan ka dambeeya aan dalka la keeni karin alaabaha dhibaatada bulshada ku abuuri kara.

Ganacsaada ayaa Wasaarada waxa ay ugu baaqday in hada kadib dalka keenaan waxyaabaha caruurta ku ciyaaraan ee abuuri kara is dhax galka iyo ka shaqeynta Nabad galyada, balse aan loo baahneyn baaruud qaraxyada , biskoolado .

Baryahaan danbe Magaalada Muqdisho waxaa la keenay baaruud sida xabad oo kale u dhaceysa taas oo bulshada badankeeda ay dhibaato ku qabaan, waxaa sidoo kale ganacsatada keentaa qalab u eg qoryaha nuucadooda kala duwan iyo bistoolado.


تعليقات Facebook تعليقات الموقع

استطلاع الرأي ما تقييمك لدور الإمارات الإنساني في اليمن؟
ads
اليمن العربي على فيسبوك